Sirdoonka Kenya oo ka digay weeraro Shabaab ay ka geestaan Gudaha Kenya

Booliska dalka Kenya, ayaa sheegay in loo soo gudbiyay xog ku saabsan weeraro Al Shabaab ay ka gaysan rabaan todobo Gobol oo ka tirsan dalka Kenya.

Shir jaraa’id oo saraakiisha Booliska Kenya ay ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayey ku sheegeen in laamaha Sirdoonka Kenya ay hayaan xog la xiriirta in Al-shabaab qorsheyneyso weerarro badan inta lagu jiro doorashada Kenya.

Hay’adda sirdoonka kenya,laanta la dagaallanka Argagixisada Kenya iyo Hay’daha amaanka ayaa sheegay in ay hayaan xog muujineysa in Al-shabaab ay maalmaha soo socda doonayaan in ay weeraraan Gobollada kala ah Mandera, Wajir, Garissa, Lamu, Tana River, Kilifi iyo Mombasa oo sohdin la leh Soomaaliya.

Ujeedada Al Shabaab ay u weerarayaan dalka Kenya ayaa lagu sheegay inay tahay carqaladeynta doorashada madaxtinimada dalka Kenya oo maalmaha soo socda ka dhici rabta dalkaasi.

Ciidamada Booliska ayaa heegan buuxa la galiyay, waxaana ay ka feejigan yihiin weerarada Shabaab la sheegay inay ka gaysan rabaan dalka Kenya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media