Sirdoonka Kenya: Alshabaab waxay qorsheynayaan inay weerar geystaan.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa qorshaynaya inay qeybo ka mid ah dalkaasi ka fuliyaan Hawlgal lagu soo qabanayo Dembiilayaasha la yaqaano iyo Unugyadda waxa loogu yeeray Argagixisadda muddada uu Baadariga weyn ee Masiixiga booqan doono Kenya.

Hadal ka soo baxay Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ayaa lagu sheegay in ujeedada Hawlgalkaasi tahay sidii looga hortegi lahaa weeraro dhici kara muddada uu Pope Francis booqanayo Kenya oo la filayo inuu bishan November 25-da booqdo Kenya.

Warar dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in laga yaabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab soo qaadaan weeraro ka hor inta uusan Baadariga Masiixiga imaanin dalkaasi ama muddada uu joogo Kenya iyo marka uu dhamaysto Booqashadaasi oo qaadan doonta muddo 2-maalmood.

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska Kenya oo Saxaafadda ka codsaday inaysan magaciisa shaacinin ayaa sheegay in Hawlgalo badan laga arki doono Nairobi ka hor booqashadda Pope Francis.

Xarakadda Alshabaab ayaa waxay afartii sanno ee la soo dhaafay weeraro ka fuliyeen gudaha Kenya oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya, tan iyo inta ay Ciiddankooda ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

Ciiddankaasi waxay gudaha Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxayna Alshabaab kala wareegeen magaalladda Istaraatijiyadda leh ee Kismaayo iyo Degmooyin kale oo ku yaalla Goballadda Jubbooyinka.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor