SIMHA oo Munaasabad Lagu Xusay Maalinta Raadiyaha Adduunka Maanta Ku Qabatay Muqdisho

Munaasabada oo Lagu Weyneynayay Maalinta Radiyaha Adduunka ayaa Maanta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda Waxa soo qaban qaabiyay Daladda ay ku bahoobeen Warbaahinta Madaxa Banan ee SIMHA waxana gacan weyn ka geysatay Hey’adda Wacyigelinta Bulshadda ee CCA.

Waxa ka soo qeybgalay Munaasabadda Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane Da’uud Aweys Jaamac,Injineer C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo La Taliye u ah Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Saxafiyiinta NUSOJSuleymaan Ismaaciil,Gudoomiyaha Daladda ay ku midoobeen Warbaahinta Madaxa Banan ee SIMHA Mudane Xasan Cali Geesey,Gudoomiyaha Hey’adda CCA Mudane Maxamed Cajiib,Saxafiyiin iyo Xubno kale oo la casuumay.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoteelka City Palace ee Magaaladda Muqdisho waxa laga jeediyay Qudbado looga hadlay intooda badan Xaaladda Saxafiyiinta iyo Maalinta Raadiyaha Adduunka oo ku beegan 13 Febraayo.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane Da’uud Aweys oo kamid ahaa Madaxda Goobta lagu Casuumay ayaa jeediyay Qudbad uu kaga Hadlay Horumarka looga baahan yaahay in Warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan Raadiyeyaasha ay ku sameeyaan Tayadda Qalabka ay wax ay ku baahiyaan oo aysan ku ekaan oo kaliya Magaalooyinka lkn la isku dayo in Wararka la gaarsiiyo dadka ku sugan Meelaha ka baxsan Magaalooyinka.

Waxa uu Afhayeenka wax lagu farxo uu ku tilmaamay Idaacadaha Ku soo kordhay Dalka Balse waxa uu shaaciyay in iyadana ay muhiim tahay tayadda mar waliba in la eego,dadkana loo gudbiyo Warar Xiiso galin kara.

Injineer C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo la taliye u ah Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in uu aad u bogaadinayo Saxafiyiinta Raadiyaha ka howlgasha.

Injineer Yariisow waxa uu tilmaamay in Dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa wax dhageysta isaga oo tusaale u soo qaatay sida Dadka ay ugu xeran yihiin Idaacadaha oo ay Wararka ka sugaan.

Gudoomiyaha Hey’adda Wacyigelinta Bulshadda Soomaaliyeed Ee CCA Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo isagana Goobta ka hadlay waxa uu si qoto dheer uu uga hadlay Wacyigelinta iyo doorka ay ku leedahay Warbaahinta gaar ahaan Raadiyaha.

Gudoomiyaha Waxa uu sheegay in CCA Ay si dhaw ula shaqeyn doonto Warbaahinta Soomaaliyeed si gaar ahna Daladda mideysay Warbaahinta Madaxa Banan ee SIMHA.

Waxa uu balan qaaday Maxamed Cajiib Gudoomiyaha Hey’adda Wacyigelinta Bulshadda Soomaaliyeed in Mar kasta ay garab taagan yihiin Warbaahinta si ay uga wada shaqeeyaan Horumarinta Bulshadda.

Ugu Dambeyntii Waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Daladda ay ku mideysan yihiin Warbaahinta Madaxa Banan ee SIMHA Ahna Agaasimaha Idaacadda Dalsan Mudane Xasan Cali Geesey.

Xasan Cali Geesey waxa uu aad uga hadlay Heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay Warbaahinta Soomaaliyeed qaasatan Idaacadaha.

Waxa uu sheegay in Tiradda Idaacadaha ay aad u soo korortay 20kii sanno ee la soo dhaafay lkn weli ay aad u yar yihiin  Idaacadaha tayadii looga baahnaa ka soo baxay.

Waxa jira ayuu yiri Idaacado ay suurto gal tahay iney shaqeynayeen Muddo 10 ama ilaa iyo 15 sanno lkn aan ka gudbin Magaalooyinkii laga yagleelay,sidas awgeed waxa loo baahan yahay ayuu yiri Gudoomiyaha SIMHA In laga shaqeeyo Tayadda Warbaahinta iyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor