SIMHA oo deeq ay soo dhiibtay Hay’adda CPJ gaarsiiyey Weriye horey loo dhaawacay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Madaxa Bannaan (SIMHA), ahna Agaasimaha Idaacadda Dalsan, Md. Xasan Cali Geesey waxa uu maanta kaalmo lacageed oo dhan 1,800 oo Dollar guddoonsiiyey Weriye Mucaawiye Ahmed Muudeey, kaasi oo lagu dabiibayo Isbitaalka Daarul-Shifa ee magaalladda Muqdisho.

Weriyaha oo dhowr bilood ka hor lagu dhaawacay Gobalka Sh/hoose ayaa la guddoonsiiyey lacag dhan 1,800 oo Dollar oo ay u soo dhiibtay Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamiga “The Committee to protect Journalist (CPJ, isla markaana ay soo wakiisheen Guddoomiyaha Hay’adda SIMHA.

Md. Xasan Cali Geesey oo ka hadlay munaasabadaasi, ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii ay Hay’adda Suxufiyiinta Caalamka kaalmo u soo gaarsiin lahaayeen Weriye Mucaawiye Axmed Muudeey, isla markaana ay Hay’adda CPJ u soo dirtay lacag dhan 1,800 oo Dollar.

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, waxa uu faahfaahin ka bixiyey  kaalinta ay SIMHA ka qaadato sidii loo caawimi lahaa Suxufiyiinta Dhibaataysan, wuxuuna ugu baaqay Suxufiyiinta Soomaaliyeed inay is-caawiyaan, kana taxadiraan khataraha ay la kulmi karaan.

Dr. Cali Saciid Fiqi oo ah Dhakhtarka qaliinka ku sameeyey Weriye mucaawiye Axmed Muudeey, ayaa sheegay in ay xaalladda Weriye aad u wanaagsan tahay, marka loo eego xaalladdii uu ku jiray markii Isbitaalka Daaru Shifa la keenay bishii Feberaayo 25-dii ee sannadkan.

Dhakhtarku, waxa uu tilmaamay in lagu guuleystay qaliinkii looga sameeyey Caloosha, isla markaana uu si caadi ah u shaqeysan karo.

Tifaftiraha Wargeyska Xaqiiqa Times, C/nuur Maxamed Axmed ayaa u mahadceliyey dadaalka ay Hay’adda SIMHA u gashay sidii ay Hay’adda CPJ kaalmo ugu fidin lahyd Weriyaha dhaawacan.

Tifaftiraha waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia inay culayska saaraan Ammaanka iyo Badbaadinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed, lana soo xiro kuwa dhibaateeya Suxufiyiinta.

Dhinaca kale, Weriye Mucaawiye Axmed Muudeey oo ka hadlay deeqda la soo gaarsiiyey, waxa uu aad ugu mahadceliyey Hay’addaha CPJ iyo SIMHA, oo uu tilmaamay inay soo gaarsiiyeen Kaalmo muhiim u ah xaalladiisa nololeed.

Weriye Mucaawiye, waxa uu ka mid yahay Suxufiyiinta ka hawlgala magaalladda Muqdisho, wuxuuna Sawir-qaade u noqday Telefishinka Aljeziira iyo Hay’addo kale oo Warbaahineed.

© Warqabadka Dalsan Radio

Halkan ka dhageyso Hadaladii la jeediyay:

DSCN4030Z0000008
DSCN4034 DSCN4035

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor