(DAAWO SAWIRADA): Showga Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka oo lagu soo bandhigay Garoonka Koonis Stadium.

Galabnimaddii Jimcaha ee  la soo dhaafay, waxaa Garoonka K/Cagta ee Banaadir “Ex-Conis Stadium” ee magaalladda Muqdisho lagu soo bandhigay Bandhig Faneed Casri ah oo aan Nidaamkiisa weli lagu soo bandhigin Masraxyadda Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Bandhigaasi oo ay isku duwday Hay’adda Wacyigelinta Bulshadda ee CCA ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo aad u jecleystay Showga iyo Nidaamka Masraxa ay Fannaaniinta ka heesayeen (Stage)-ka, kaasi oo ahaa Nidaam Caalami ah oo laga isticmaalo Waddamada Horumaray.

Fannaan caan ah ayaa ka soo qeyb galay Showgaasi, kuwaasi oo Dadweynaha ka haqabtiray Heesahooda, waxaana Kharajka ka soo xerooday Bandhig Faneedkaasi loogu talagalay Dib-u-dhiska Tiyaatarka iyo in lagu caawiyo Fannaaniinta ku xanuunsan magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay inay Hay’adda CCA dadaal ballaaran ugu jirto Horumarinta Fanka, Dhiirigelinta Dhallinyaradda danaynayso Fanka iyo in la xoojiyo Isdhexgalka Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in Qorshaha Hay’adda CCA ee sannadkan qeyb ka tahay Horumarinta Fanka iyo in lagu dhiirogeliyo Fannaaniinta Qurbaha joogta iyo kuwa gudaha joogta sidii loo horumarin lahaa Fanka Somalia, lana kordhiyo Bandhig Faneedyadda, si loo soo nooleeyo Fanka iyo Dhaqanka Ummaddeenna.

Guddoomiyaha CCA, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato Dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka, isla markaana uu Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ku tabaruco Kharaj si loo habeeyo Tiyaatarka Qaranka oo ah Wershadda Fanka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay inay Fannaaniin badan ku soo caan baxeen Tiyaatarka Qaranka, loona baahan yahay in la iska kaashado Dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Tiyaatarka Qaranka.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la soo saaro Abwaano iyo Fannaaniin cusub, si ay kaalintooda uga qaataan Horumarinta Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan booqan doonaan Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ku xanuunsan magaalladda Muqdisho, si loogu muujiyo Taageeradda ay Ummadda u hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda CCA ayaa ah Hay’ad Maxali ah oo kaalin ka qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Horumarinta Nabadda, Isdhexgalka Dhallinyarradda, Dhiirigelinta Fanka, Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyeed.

CCA Show 10 CCA Show 1 CCA Show 3 CCA Show 2 CCA Show 8 CCA Show 7 CCA Show 6 CCA Show 11 CCA Show 10 CCA Show 9 CCA Show 13 CCA Show 12

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor