Shisheeye lagu tuhunsan yahay inay weerari lahaayeen Saldhig Maraykanka ku leeyihiin oo la xiray

Dowladda Maldives ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal shisheeye ah oo ku sii jeeday Saldhig Maraykanka ku leeyihiin Jesiiradda Diego Garcia ee Badweynta Hidniya.

Mohamed Shariif oo ah Wasiir ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Maldives ayaa sheegay in Eedeysanayaasha si sharci-darro ah ku soo galeen Maldives, isla markaana ay wateen dooni ku sii jeeday Saldhiga Maraykanka ee Jesiiradda Diego Garcia oo ku taalla Bartamaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka waxa uu shegay inay ilaalo ku hayeen 7 qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo shalay (Isniin) kireystay dooni rayid leeyahay meel ka baxsan Jesiirasdda Addu, kuna sii jeeday Saldhigga Maraykanka oo dhowr boqol oo KM u jirta Maldives.

Shisheeyaha la xiray waxay doonida ku kireysteen maalintiiba lacag dhan 8,000 oo Dollar.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shisheeyaha baadi-goobayeen Kabtan ay siiyaan Kharaj sare, si uu  iyaga ugu  kaxeeya Jesiiradda Diego Garcia oo ku-dhawaad 700 KM u jirta Jesiiradda Addu.

Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixinin dalalka ay u kala dhasheen Eedeysanayaasha la qabtay.

Wargeyska Haveeru ee ka soo baxa caasimadda Jesiiradda Maldives ee Male ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha u kala dhasheen Talyaaniga iyo Jarmalka.

Jesiiradda Diego Garcia oo hoos tagta Maamulka dalka Britain, waxay ku taalla Badweynta Hindiya, jiho ahaan ka tirsan Qaaradda Asia, waxayna Milliteriga Maraykanka u adeegsadaan inay ka kacaan diyaaradaha hawlgalladda duqeymaha ka fuliya dalalka Afganistan iyo Iraq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor