Shisheeye ku dhaawacmay dab qabsaday Hotel ku yaalla Hargeysa.

Faahfaahin dheeraad ayaa ka soo baxaysa dab abaarihii 04:00 saq-dhexe (Xilliga Salaadda Subax ka hor) ka kacay Hotelka Hargeyska oo ku yaalla faras-magaallaha Hargeysa.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday qeybta Kushiinka, xilli ay cunto-kariyayaasha ku hawlanaayeen Karinta Quraacda ee Macaamiisha Hotelka.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Yemeniyiinta ayaa la sheegay inay dhaawacyo soo gaareen, kadib, markii uu ka soo booday Hotelka.

Ciiddanka Dab-damiska ayaa u soo gurmaday Hotelka uu daku ka kacay, waxayna ku guuleysteen inay damiyaan dabkaasi oo si xawli ah ku ololayey.

Hotelka ayaa la sheegay inuu u kireysan yahay Ganacsato Yemeniyiin ah, kuwaasi oo ka mid ah Yemeniyiinta qaxooti ahaanta ugu nool Hargeysa ee ka soo cararay dagaalladda ka socda dalkooda hooyo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor