Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Sheekh Rashiid Axmed waxa uu dadka Shisheeyaha ee aan Sharciga lahayn inay isaga wada huleelaan dalkaasi ugu dambayn bisha soo socoto ee August 14-da.
Wasiirka waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirweyne maanta lagu qabtay Caasimadda Islamabaad, wuxuuna xusay in tallaabo laga qaadayo 39 Sarkaal oo ku lug lahaa Bixinta Kaarar Aqoonsi oo Been Abuur oo la siiyey dad shisheeye ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan waxa uu xusay inay Kumanaan qof oo Shisheeye ah ay ku nool yihiin dalkaasi, kuwasi oo ay ku jiran kuwo aan sanooyin badan loo cusbooneysiinin Fiisaha ay ku joogaan Pakistan.
Waxa uu ka codsaday Dadka Ajaaniibta inay isaga baxaan Pakistan ka hor bisha soo socota 14-da amaba inay Codsiyadooda cusbooneysiinta Fiisaha ku soo dalbadaan qaab Online ah, iyadoo aan haba yaraatee la ganaaxi doonin.