Shirweyne looga hadli doono Tabaha lagula dagaalami karo Xag-jirnimadda oo lagu qaban doono Nairobi

Wasiiradda Ammaanka ee in ka badan 30 Waddan iyo Khubaro ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Shirweyne  bisha soo socota lagu qaban doono Nairbi, kaasi oo looga arrinsanayo Falalka Xag-jirnimadda, Doorka ay Shabakaddaha Bulshadda ka qaataan Abaabulka Xag-jirnimadda iyo sidii looga hortegi lahaa Tacadiyadaasi.

Shirkaasi oo bisha June 24-da ilaa 28-ka dhici doona ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Wakiil ka kala socda Ururradda Bulshadda, Madaxda Diimaha iyo Hoggaamiyayaasha Bulshadda.

Shirweynahaasi ayaa la sheegay inuu daba socdo Shirkii bishii Feberaayo lagu qabtay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, oo looga hadlay Hawlgalladda looga hortagayo Xag-jirnimadda.

Dowladda Kenya oo marti gelinayso Shirweynaha soo socda ayaa waxay iska caabin la’dahay weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan Kenya.

Maamulayaasha Kenya waxay sheegaan inay Alshabaab khatar ku tahay Ammaanka Kenya, isla markaana ay tababareen Dhallinyarro badan oo Kenyaati ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalladda ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.