Shirweynaha 56-aad ee Golaha Afrika ugu qaabilsan Xuquuqda Adaanaha oo lagu soo bandhigay Tacdiyada xuquuqul Insaanka ee dalalka Somalia iyo Sudan

Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Hassan Shire ayaa soo bandhigay tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalalka ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Kenya, Djibouti iyo Eritrea Ethopia .

Dr. Hassan Shire oo ka hadlay Shirweynaha 56-aad ee Golaha Afrika ugu qaabilsan  Xuquuqda Adaanaha (The African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR) ee ka socda Hotelka Kairaba Beach Hotel oo ku yaalla  caasimadda dalka Gambia ee Banjul ayaa faahfaahin guud ka bixiyey Waxyaabihii ay gudi tirsan Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska  iyo u qaabilsanaha arimaha xuquuqda aadanaha ee golaah Afrika kala soo kulmeen Somalia Safar Hawleed ay ku yimaadeen dalka Somalia.

Dr. Xasan Shire waxa uu carrabka ku dhuftay inay Somalia weli ka jiraan Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha , sidoo kale waxaa safarkeeda Somalia ka hadashay Madam Reine oo sheegtay in ay la so kulmeen madaxweynaha , xildhibaano iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee dalka ka shaqeeya dhamantoodna ay gaarsiiyeen iney muqadas tahay ilaalinta iyo dhawrida xuquuqda aadanaha.

Shirkaasi waxaa kaloo ka hadashay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka socday dalka Sudan, Amir Suleymaan iyo Marwo Abbas waxeyna ka warbixiyeen Tacadiyadda ay Dowladda Sudan ku hayaan Siyaasiyiinta, Suxufiyiinta iyo dadka waxgalka ah.

Amiir Suleymaan Waxay aad u dhaliilay qaabkii ay u dhacday Doorashaddii Madaxtinimadda ee dalka Sudan oo uu sheegay iney aheyd ku shubasho dadka Suudana aysan doorasho soo aadin badankood

Doorashada ayaa Waxa  oo uu mar kale ku guuleystay Jeneral Omar Hassan Albashiir, oo uu u tilmaamtay Keligii Taliye caqabad ku ah Xorriyadda, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Idaacadda Dalsan Radio, Md. Xasan Ali Geeseey ayaa Khudbad ka jeediyey Shirkaasi ka socda  caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Md. Xasan Cali Geeseey ayaa faahfaahin ka bixiyey Xaalladda adag ee ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha dalka Somalia, wuxuuna xusay  inay Somalia ka dhacaan xadgudubyo ka baxsan Bani Aadminimadda iyo inay Suxufiyiinta u nugul yihiin in loo geysto tacadiyo.

“Tacadiyadda ka baxsan Xuquuqda Aadanaha waxay ku yimaadaan siyaabo kala duwan, gaar ahaan Waddanka Somalia oo ka soo kabanaya diiftii colaadaha sokeeye” ayuu yiri Md., Geeseey oo diiradda saaray Tacadiyadda liddiga ku ah Warbaahinta Somalia.

Waxa kaloo uu ka hadlay sida ay Dalladda SIMHA u diiwaan-geliyaan tacadiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Xarumaha Warbaahinta Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Somalia ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan ee ay Suxufiyiinta ka hawlgalaan, marka laga soo tago dalalka Syria iyo Iraq.

“Waxaa lagu qiyaasaa in 49 Suuxfiyiin ka hawlgeli jirey Idaacadaha, Telefishinnadda iyo Madbacadaha lagu dilay gudaha dalka Somalia, laga soo bilaabo sannadkii 1992-kii ee uu dagaalka sokeeye ka bilowday Somalia  ilaa sannadkii 2013-kii” ayuu yiri Guddoomiyaha SIMHA.

Waxa kaloo uu Md. Xasan Cali Geeseey hoosta ka xariiqay in Suxufiyiinta la dilay oo dhamaantooda rag ahaa la dilay xilli ay dabagal  ku hayeen Tacadiyadda Siyaasadeed iyo kuwa Dagaalladad Sokeeyevee ka dhacay Somalia.

Shirweynaha 56-aad ee Golaha Afrika ugu qaabilsan  Xuquuqda Adaanaha (The African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR) ee ka socda  caasimadda dalka Gambia ee Banjul ayaa waxa looga hadlayaa xaalladda Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda  haatan ka jirta Qaaradda Afrika

Shirkaasi ayaa la filayaa in la soo gebegebeeyo bisha soo socota ee May 7-da.

DSC_0741DSC_0714DSC_0812DSC_0710DSC_0729DSC_0761

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor