Shirweynaha 26-aad ee Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika oo diirada lagu saari doono  Nabadda iyo Ammaanka Qaaradda Afrika.

Madaxda Dowladaha Afrika ayaa lagu wadaa inay maalinta Sabtiga ee soo socota Kulan ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee Ururka oo ku taalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, waxaana la rajeynayaa in Kulankaasi aad looga xaajoodo Warbixin ku aadan Nabadda iyo Ammaanka Afrika.

Shirweynaha 26-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Alshabaab dhowr Weerar ku qaadeen Xerooyinka Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, oo uu ugu dambeeyey weerarkii ay bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xeradda AMISOM  ee Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui oo Jimcihii la soo dhaafay ka hadlay magaalladda Nairobi ayaa sheegay in Weerarka Alshabaab noqon doona mid taageeri doona sidii uu Hawlgalka ay AMISOM ugu guuleysan lahaa La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa diyaariyey Warbixin ku aadan Weeraradda Alshabaab la beegsadeen Ciiddamadda Uganda, Burundi iyo Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxaana la filayaa in Warbixin la soo saaro ka hor Shirweynaha Madaxda Afrika dhawaan ku yeelan doonaan magaalladda Addis Abeba.

Dhinaca kale, Xoghayaha Fulinta Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inay sannadkan dhisi doonaan Xarun lagu wadaago Warbixinadda Kooxaha Xag-jirka, si looga hortago cabsida Kooxaha Argagixisadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Xarunta qeyb ka noqon doonto Dadaalka Caalamka ee looga hortagayo Xag-jirnimadda iyo in la wadaago Istaraatijiyadda sidii looga hortegi lahaa dadka inay ku biiraan Kooxaha Xag-jirayaasha.

au1 au2

©Radio Dalsan                            

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor