Shirweynaha 25-aad Ee Midowga Afrika oo looga hadlayo La-dagaalanka Boko Haram iyo Alshabaab

54 Madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa ku sugan magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika, si ay uga qeyb galaan Shirweynihii 25-aad ee Madaxda Dowladdaha Afrikaanka oo lagu wado inuu maanta furmo.

Shirkaasi oo socon doono muddo labo maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaa Ajendayaal ay ka mid yihiin Siyaasadda, Ammaanka,Dhaqaale-xumida soo wajahday Miisaaniyadda Ururka Midowga Afrika ee AU, Doorka Haweenka Qaaradda Afrika ee Horumarka, Tahriibayaasha ka sii cararayo Qaaradda Afrika, La-dagaalanka Boko Haram iyo Alshabaab iyo colaadaha ka socda dalalka Libya, Mali, Afrikadda Dhexe iyo South Sudan.

Hoggaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika waxay kaloo yeelan doonaan Shir Gaar ah oo albaabadda u xirnaan doona, kaasi oo ay kaga xaajoon doonaan Dhacdooyinka Isir-nacaybka ee ka dhacay dalka Koonfurta Afrik, xiisadda dalka Burundi iyo qorshaha La-dagaalanka Boko Haram iyo Alshabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalladdaJohannesburg, si uu uga qyb galo Shirweynahaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, C/salaam Hadliye Omar ayaa horey u sii joogay Johannesburg, kana qeyb galay Shirka Wasiiradda Arrimaha dibedda ee dalalka Afrika, oo lagu diyaariyey Ajendayaasha loo gudbin doono Shirweynaha Madaxda Afrika oo maanta ka furmayo Johannesburg.

©Warqabadka Dalsan Radio