Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyada Iyo Dowlada Dhexe Oo Maanta Furmay

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Waxaa Maanta ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira kaas oo shalay lagu balansanaa balse dib u dhacay.

Shirkaan ayaa waxaa horay u iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay sii xoogeysatay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlyaa xalka gaarista khilaafkaas, iyo awoodaha ay leedahay dowladda Soomaaliya iyo Awooda Maamul Goboleedayda si loogu kala baxo markii uu yimaado khilaaf dhanka Dastuurka dalka.

Ajandaha kulanka ayaa ah in khilaafka jira xal laga gaaro,sidoo kale Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay siwadajir u Go’aamin doonaan dagaal lagu qaado deegaanada ay Al-Shabaab ka maamulaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale arrinta xiisaha leh ee la isku soo hadal qadi doona ayaa ah khilaafka weli u dhaxeeya Madaxda Galmudug oo dhamaantood ku wada sugan Magaalada Muqdisho, khilaafkaas oo sababay in Xildhibaanada Galmudug ee labada Garab noqday ay sameeyaan xilka qaadis.

Weli Xukuumadda Soomaaliya mashaacin waqiga uu qaadan doono shirkaan balse waxaa la filayaa in uu noqdo mid waqti dheer qaata maadaama la isku khilaafsan yahay arrimo Dastuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media