Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ka furmay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu maanta si rasmi ahaan Xarunta Madaxtooyadda uga furay Shirka Hoggaamiyayaasha Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda, kaasi oo looga tashan doono Qoddobo khuseeya Nidaamka Doorashooyinka soo socda.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmuddug, Jubbaland iyo K/galbeed ayaa ka qeyb galayo Kulankaasi oo socon doona muddo 2 cisho ah.

Furitaanka Shirkaasi oo ay Suxxufiyiinta dibed-joog ka ahaayeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa la filayaa inay Kulankooda ka soo saaraan Qoddobo ay isku waafaqsan yihiin, si loo taabageliyo qabsoomidda Doorashooyinka soo socda ee dhici doona bisha September ee soo socota.

Qoddobadda ugu culus ee ay Hoggaamiyayaasha isla meel dhigi doonaan ayaa ah Xulashadda Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee Federalka iyo Madasha lagu qaban doono Doorashadda Madaxweynaha cusub iyo Guddoomiyaha Barlamaanka cusub, taasi oo muhiim ah Nidaamka Doorashadda soo socota.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor