Shirkii Guddoonada Baarlamaanka Africa oo ka furmay K/Afrika

Kulanka Guddoomiyaasha Barlamaanada dalalka Qaaradda Africa ee ka furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalada Johansbeg ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wefdi uu hogaaminayo, Safiirka  Soomaaliya u fadhiya Dalka South AfricaJamaal Maxamed Barrow.

,Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhiIm ah oo quseeya qaarada Africa gaar ahaan dhalinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas iyada oo la siinayo fursado waxbarasho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh CusmaanJawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankaasi“bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir halka 42%da’doodi u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan”, Ayuu yiri Jawaari.

Xog-hayaha guud ee golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux ayaa warbaahinta waxaa uu u sheegay in kulanka diirada lagu saaray arrimo badan oo quseeya Dhalinyarada qaaradda Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed M.ne Muxammad Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo waxaana la filayaa in geba gebadiisa laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaaradda Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Qaraada .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media