Shirkii Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo mar kale dib loo dhigay sababo la xiriira…..

Maanta ayaa la filayay in degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay shir ku yeeshaan Xubnaha golaha Wasiirada maamulka hir-Shabeelle balse uu shirkasi baaqday.

Shirka ayaa waxa ay uga hadli la haayeen sidii deeganada Maamulka Hir-Shabeelle loo gaarsiin lahaa nidaamka dowladnimo,balse uu u baaqday sababo badan oo jiray.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in shirka Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle laga dhigay Maalinta Khamiista ah ee soo socota islamarkaana Ajandihii Maanta baaqday laga hadli doono.

Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay martigeliso Shir Maamul loogu sameynayo Maamulka hir-Shabeelle.