(SAWIRO): Shirkii Carabta iyo Hindiya ku yeesheen Baxrayn oo lagu taageeray Dowladda Federalka iyo Midnimadda Somalia.

Waxaa Caasimadda dalka Baxrayn ee Manama lagu soo gebagebeeyey Shirka Heerka Wasiir ee Iskaashiga Carabta iyo Hindiya (The first Ministerial Meeting of the Arab-India Cooperation Forum), kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Carabta iyo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Dalalka ka tallaabsan Baddaha ee dalka Hindiya.

Kulankaasi oo bishan 24-dii lagu qabtay Caasimadda dalka Baxrayn ee Manama ayaa laga soo saaray Bayaan loogu magac daray Bayaanka Manama “Manama Declaration”, waxaana qoddobadii lagu xusay ka mid ah Qaddiyadda Somalia.

Shirkaasi waxaa Somalia u matalayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Hadliye, waxaana Bayaanka lagu taageeray inay muqdas tahay Midnimadda iyo Madax-bannaanida iyo Xuduudaha Dalka Somalia, waxaana lagu soo dhaweeeyey Dadaalka Dowladda Federalka Somalia ee ku aadan Dadaalka Siyaasadda, Ammaanka, Deganaanshaha, Dib-u-heshisiiinta Qaranka iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Dwwladda.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in Dowladaha Carabta iyo Hindiya si wadajir ah u taageersan yihiin dadaalka Ururka Midowga Afrika ee Taageeridda Nabadda iyo Ammaanka Somalia, ee ay fulinayaan Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka.

Bayaanka Manama “Manama Declaration”, waxaa kaloo lagu taageeray Shirka ay Dowladda Kuwait qabanqaabinayso Shirka Deeq-bixinta Waxbarashadda Somalia ee sannadka 2016-ka.

AQABA AQABA1 AQABA3 AQABA4 AQABA5 AQABA6

Islamabad: External Affairs Minister Sushma Swaraj talking to the media as she arrived at Islamabad in Pakistan on Tuesday. S Jaishankar, Foreign Secretary also seen. PTI Photo  (PTI12_8_2015_000303B)

BAHRAIN

©Radio Dalsan                            

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor