(Ra’yi): Shirkii Aayaha Somalia ee Kismaayo oo u burburay Rabitaan Siyaasadeed.

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ayaa galabta soo gebagebeeyey Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee maalmahan ka socday magaalladda Kismaayo.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ayaa ku heshiin waayey Tubta Nidaamka Doorashooyinka Qaranka iyo U gogol-xaarista Dowladda cusub ee lagu han weyn yahay in la doorto horraanta bisha September ee sannadkan.

Khilaafka Siyaasiyiinta u dhexeeya ayaa ah mid sii laba lixaadsada mark ay isugu yimaadaan Shirarka looga hadlayo Aayaha Qaranka, waxaana taasi ugu wacan Siyaasiyiinta oo u hamuun qaba Rabitaan Shaqsi, mid Beel iyo mid Isbahaysi iyo Nacayb-siyaasadeed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in ay jiraan Hoggaamiyayaal doonaya inay Hoggaamiyayaal kale ku afgembiyaan Shirarka, isla markaana degayo Shax Siyaasadeed oo Xil iska riixasho, Qas Abuuris iyo in Siyaasiyiin laga tuuro Masraxa Siyaasadda.

Xifiltanka noocaasi ayaa u muuqda mid ka khatar badan Dagaalkii Sokeeye, waxaana fashilmay Afgembi dadban oo hordhac u ahaa Hayin-u-qabashadda Talada dalka.

Kulankii Kismaayo waxa uu daaha ka rogay inaysan Siyaasiyiin jaal mideysan ahayn iyo inay jireen Shirqoolo iyo Dabino lagu maleegayo in la marin habaabiyo Masiirka Dadka iyo Dalka Somalia.

Fashilka Shirka Kismaayo waxaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay Xujo Siyaasadeedka lagu haybad tirayo Madaxda iyo Golayaasha Qaranka, waayo qaar ka mid ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda waxay isku arkaan inay isku darajo yihiin Madaxda Qaranka, waana sababaha ay ugu dhiiradeen inay Isbaaro Siyaasadeed u dhigtaan Qaddiyadda iyo Danaha Qaranka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaana horey uga  dhawaajiyey Qas-wadista ka dhex jirta Golaha Wada Tashiga Qaranka, wuxuuna si Oraah Siyaasadeed ugu muujiyey Khudbadii uu ka jeediyey Shirkii Golaha La-tashiga ee ay bishii hore ku yeesheen magaalladda Muqdisho.

Prof. Jawaari waxa uu ka digay inaan lagu tallaabsan karin  Falal uusan ka war qabin Barlamaanka oo ah Marjaca ugu sarreeya ee Maamulka Qaranka, balse Shirkii Kismaayo waa lagu durduriyey Haybadda Barlamaanka.

Hadalkiisa digniinta ayaana laga arkay qaabka ay qaar ka mid ah Madaxda Dowlad-gobaleedyadda u fashiliyeen Shirkii Kismaayo.

Sidoo kale, Xaqiiq ahaan, Siyaasiyiinta Qaranka waxay aad ugu qaldan yihiin iyagoo ah Madaxda Dowladda ee hayinka u haya Talada Qaranka inay isku dhiibaan Hoggaamiye-gobaleedyo aan Khibrad iyo Bisayl Siyaasadeed lahayn, isla markaana maro-ku-dheg ku noqday Aragtida Damac Shaqsi, mid Isbahaysi iyo mid Deegaameed.

Soomaalidu waxay ku maahmaahday:- Meel aad Madaxeeda tahay, majaheeda la iskama dhigo”, taasi oo fasirkeedu lagu lamaanin karo Hab-dhaqankii Shirkii Kismaayo ee sababay in lagu durduriyo Jadwal-dejinta Nidaamka Doorashooyinka Qaranka.

Waxaa Qoray: Cismaan Sheekeeye.

Fiiro Gaar: Maqaalkan waxa uu ku kooban yahay Aragtida Qoraaga qoray.

 

AAN WADA TASHANO1 KISMAAYO 6 KISMAAYO 4 KISMAAYO 3 KISMAAYO 2

 

 

        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor