Shirkadda Soma Oil and Gas oo Xukuumadda Federalka ku wareejisay Xogta Sahankii Shidaalka.

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas, Michael Howard oo mar madax ka ahaan jirey Xisbiga Conservative Party ee dalka Britain, ayaa haatan ku sugan magaalladda Muqdisho, isagoo Madaxda Xukuumadda Federalka u soo gudbiyey Xogta ku aadan Baaritaankii Shirkadda ay Shidaalka kaga sahminayeen Xeebaha Somalia.

Guddoomiyaha waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashid maanta u gudbiyey Warbixinta Baaritaankaasi, xilli uu Ra’isul-wasaaraha xariga ka jaray Dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee magaalladdan Muqdisho, kuna dhow Dhismihii burburay ee Barlamaankii hore ee Somalia.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu tilmaamay in Tartan la dhex dhigayo Shirkadaha, loona baahan yahay in laga faa’ideysto Kheyraadka Dabiiciga ee uu dalkeenna hodanka ku yahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil & Gaas, Michael Howard waxa uu tilmaamay inay daraasaad  ku sameeyeen 120 Km oo isku wareeg ah oo ka mid Badda Fog ee Somalia ee  Badweynta Hindiya.

Waxa uu intaasi ku daray inay 41 million Dollar ku bixiyeen Sahmintaasi ,wuxuuna rajo fiican ka bixiyey Sahankodoa.

Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim  ayaa ka warbixiyey Hawlaha Wasaaradda hor-yaalla, wuxuuna soo dhaweeyey in Xukuumadda lagu soo wareejiyey xog uruurinta shirkadda Soma Oil & Gas.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxaa ka mid ah Qol u gaar ah Kaydka Xogta (Data Room) oo loogu talagalay in lagu xafido Macluumaadka Guud ee Wasaaradda, Shirakadaha ganacsi-wadaagga la leh iyo guud ahaan Sahminta Kheyraadka Dabiiciga ee Berriga iyo Badda Somalia.

Qolka Kaydka Xogta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxaa kaloo lagu kaydin doonaa Xogaha aan weli la fasirin, Xogaha laga baaraan-degayo, Xogaha la turjumay iyo Xogaha u baahan in cilmi-baaris lagu sameeyo, lana qiimeeyo waxtarkooda.

SOM OIL 1 SOM OIL 00000 SOM OIL 2 SOM OIL 4 SOM OIL 3 SOM OIL 5

© Dalsan Radio   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor