Shirkadda DP Word oo Maanta La Wareegeysa Dekeda Berbera

Madaxda Maamulka soomaaliland ayaa maanta si rasmi dekeda magaalada Berbera ugu wareejinaya shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carbta, taasi oo horey soomaaliland heshiish kala gashay arrinta dekeda Berbera.

Waxaa lagu wadaa in munaasabadda lagu wareejinayo Dekedaasi maanta lagu qabto magaalada Berbera, waxaana ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo, masuuliyiin ka socota Shirkadda DP World iyo Madax kale.

Maamulka soomaaliland ayaa dhawaan heshiis lagu wareejinyo Dekeda Berbera la galay Shirkadda DP World, kaasi oo ay meel mariyeen dood dheer, kadib golaha wakiilada maamulkaasi.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media