Shirkadda AUDIO NOW iyo Maamulka Radio Dalsan oo iska kaashaday in Idaacadda laga dhegeysan karo Maraykanka iyo Britain

Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ayaa ka shanqariyey inay culayska saareen  Horumarinta Awoodda Transmitters Idaacadda, si Baahinta Idaacadda looga dhegeysan karo gudaha iyo dalkaba.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulka Radio Dalsan Heshiis Wada-shaqeyn la saxiixdeen Shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo  AUDIO NOW, taasi oo caan ku ah Teknoolajiyadda Warbaahinta, waxayna inta badan Idaacadaha iyo Telefishinadda Caalamka u fudueyaan in si sahlan looga dhegeysan karo Telefoon-gacmeedyadda (Mobile Stream).

Shirkadda AUDIO NOW waxay sahashay sidii  Tebinta Radio Dalsan looga dhegeysan lahaa dalalka Maraykanka iyo Britain, taasi oo u suurto-gelinaysa Soomaalida ku nool dalalkaasi inay si fudud u dhegstaan Radio Dalsan.

Dadka Soomaalida ku nool USA waxay si toos ah Mobaylkooda uga dhegeysan karaan Radio, iyagoo garaacaya Telefoonka Nambarkiisu yahay 6415525822.

Sidoo kale, Soomaalida ku nool dalka Britain waxay Radio Dalsan ka dhegeysan karaan Telefoonka Nambarkiisu yahay 03306069880.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, waxa uu tilmaamay inay qorsheynayaan in Baahinta Idaacadda la gaarsiiyo dalalka Bariga Dhexe, Afrika, Asia iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Europe, si  ay Jaalliyadaha Soomaalida ula socdaan Tebinta Radio Dalsan ee dhamaan Dhacdooyinka Wararka iyo Barnaamijyadda khuseeya Arrimaha Somalia iyo Caalamka kale

Radio Dalsan oo dhawaan 4 gu’ jirsan doonta waxaa laga baahiyaa  Barnaamijyadda Diiniga, kuwa Arrimaha Bulshadda, Siyaasadda, Wararka Gudaha, Dibedda iyo dhamaan Adeegyadda kale ee Warbaahinaddu u hayaan Buslahadda dhegeysato.

Xarunta Dhexe ee Radio Dalsan waxay ku taallaa magaalladda Muqdisho, waxayna Xarumo ku leedahay magaallooyinka Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado.

Radio Dalsan waa Warbaahin Madax-bannaan oo safka hore kaga jirta Idaacadaha Madaxa Bannaan ee ku hadla Afka Soomaaliga (Gudaha iyo Dibeddaba).

RADIO DALSAN

AUDIO NOW1

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor