Shirkadaha ka ganacsada Qaadka oo uu saamayn ku yeeshay Xayiraadii Kenya ee Xawaaladaha Somalia

Ganacsatadda Qaadka Miirowga ayaa sheegay inay khasaaro xooggan kala kulmeen xayiraadda Xafiisyadda Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala dalka Kenya.

Ganacsatadda ayaa tilmaamay inay soo wajaheen dhibaato ka dhalatay sidii ay Lacagaha uga heli lahaayeen Ganacsatadda Qaadka  u iib-geeya  gudaha dalka Somalia.

Diyaarado ayaa maalin kasta lagu soo daabulaa shixnadaha qaadka ee loo iib-keeno goballadda Somalia, iyadoo  duullimaadka kasta lagu soo raro shixnad qaad oo dhan 6 tan.

Afhayeenka Shirkadda qaadka dhoofisa ee  Sakijo International, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay inay caqabo kala kulmeen Lacagihii ay Ganacsatadda Qaadka ku iibiyo Somalia ay u soo xawili jireen.

“Xawaaladda Dahabshiil ayaa ah Xawaalladda ugu weyn ee aan adeegsano” ayuu yiri Afhayeenka oo xusay inay dhibaato kala kulmeen go’aanka ay Dowladda Kenya ku xireen Xawaaladaha Somalia.

Waxa  uu Dowladda Kenya ka codsaday inay u oggolaadeen sidii ay Kaash ahaan gacanta ugu soo qaadan lahaayeen lacagaha uga soo xerooda Qaadka Miirowga loo iib-geeyo Somalia.

Dhinaca kale, Ganacsatadda Shirkadaha Qaadka ee Kenya ayaa ka fekerayo sidii ay qaadka Somalia loo iib-geeyo loo soo marsiin lahaa dhulka, si ay ugu fududaato helitaanka Kharajkooda.

 

Waddanka Somalia ayaa ah suuqa ugu weyn ee ay xilligan Ganacsatadda Qaadka Miirowga, kadib, markii horey looga xiray Suuqyaddii Dalalka Europe, iyadoo ay Dowladaha Britain iyo Netherlands si rasmi ah u mamnuuceen qaadka.