Shirkad laga leeyahay dalka Britain oo shidaal ka baari doonta Xeebaha W/galbeed ee Somalia

Shirkadda Genel Energy ee khibradda leh baaritaanka iyo soo-saarista Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ayaa  lagu wadaa inay sannadka socdo Hawlgal sahmin Shidaal ka bilaabaan Degmadda Ood-weyne.

Shirkadda Genel Energy oo ka diiwaan gashan magaalladda London, balse ay Xarunteeda Dhexe ku taalla magaalladda Jersey, ayaa sheegtay inay danaynayaan inay Qandaraas la saxiixdaan, si ay Hawlgalladda Baaritaanka Shidaal u bilaabaan sannadka soo socda.

Shirkadda Genel Energy ayaa la filayaa inay qaataan Qandaraas Sahmin ah oo laga fulinayo Degmadda Ood-weyne, iyadoo saami ahaan u qaadan doonto 50%.

Hadal ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay inay danaynayaan Qandaraaska Somaliland, kadib, markii ay Shirkadda hakisay Hawlgallo baaritaan shidaal oo ay ka wadeen meel ka baxsan Xeebaha dalka Morooko.

Shirkadda waxay tan iyo sannadkii 2014-kii hawlgallo baarista iyo qodista ceelasha Shidaalka ka wadeen Degmooyinka Siidi Muusa iyo Miir ee dalka Morooko.

Xigasho: Ecofn Agency

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor