Shirkad Caalami ah oo Sahan Shidaal ka bilaabayso Xeebaha Somalia.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Offshore Magazine  ee wax ka qora Arrimaha Shidaalka iyo Teknoolajiyadiisa ayaa qoray in Shirkadda  The Spectrum Geoscience  ee Xarunteeda Dhexe ku taallo dalka Britain dhawaan sahan shidaal ka bilaabi doonaan meel ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta Hindiya.

SHIDAALKA SOMALIAShirkaddaasi oo magaceeda loo soo koobo Spectrum Geo ayaa la sheegay inay Heshiis la saxiixdeen Dowladda Federalka Somalia, si shidaal looga sahmiyo ku-dhawaad 28,000 KM ee qeybta Koonfureed ee Badweynta Hindiya, waxaana qeybtaasi ka tirsan tahay Deegaanaddii ay Dowladdii Kacaanka sannadkii 1998-dii qandaraaska ku siiyeen Shirkadaha Shell iyo Exxon.

Sida laga soo xigtay Abdulkadir Abikar Hussien oo ah Madaxa Sahminta Joolajiyadda ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Xukuumadda Federalka Somalia  ayaa sheegay in culayska la saarayo sidii Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga looga baari lahaa Xeebaha Badweynta Hiniya, ka hor intaan loo gudbin in la sahmiyo Xeebaha Waqooyiga Somalia ee ku teedsan Gacanka Cadmeed.

Isagoo ka hadlayey Seminaar ay Shirkadda Spectrum Geo ku qabatay magaalladda London ayaa waxa sheegay in marka Jadwalka shaqo iyo Xogaha la ururiyey hal meel la isugu keeno inay taasi horseedi doono inay Somalia mar kale ku soo laabatay Saaxadda Beesha Caalamka iyo inay diyaar u tahay xaqiiq ahaan Sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ah.

Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo Shirkadda Spectrum Geo weli shaaca kama qaadin muddada uu Qandaraaska Sahminta socon doono, kharaj ku baxayo iyo qaabka Saami-qeybsiga Kharajka Mashruuca Sahminta Shidaalka laga baarayo Badweynta Hindiya.

Dowladda Federalka waxay horey Heshiis noocani ah la galeen Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Ltd, balse waxa markii dambe soo baxday Fadeexad la xiriirta Laaluush loo bixiyo Hawl Fududeyn.

Fadeexaddan waxaa kashifay Guddiga QM ee Kormeerka Hubka ee Somalia iyo Eritrea, kuwaasi oo soo bandhigay Dukumeentiyo muujinaya Kharajka ay Shirkadda siisay Wasaaradda Baroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federalka iyo caddaymo kale.

© Radio Dalsan 

Source: Offshore Magazine                               

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor