Shirka Wadatashiga Doorashada 2016 oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Waxa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmaya shirka Wadatashiga Doorashada 2016ka iyada oo aad loo adkeeyay Ammaanka Caasimada Muqdisho.

Shirka wadatashiga waxa ka qeybgalaya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya  Madaxda Maamulka Goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.

Shirkan waxa looga tashan doonaa Aayaha Doorashooyinka Wadanka Soomaaliya ee la filayo in Sanadka dambe 2016 ay ka dhacaan Soomaaliya.

Ammaanka Caasimada ayaa Maanta aad loo adkeeyay inkastoo ay tahay Maalin roobad Hadana Ciidamada Dowlada ayaa la geeyay xarumaha aadka loo ilaaliyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor