Shirka Wada-tashiga Qaranka oo goor dhow looga dhawaaqi doono Nidaamka Doorashadda iyo qaabka Dowladda Cusub.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa waxa uu haatan ka socda Garoonka Afisiyoone ee magaalladda Muqdisho.

Ilo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan inay Madaxda ku dhawaaqi doonaan Natiijadda ka soo baxday Shirarkii ay maalmahan sida hoose uga dhex socday Xubnahaasi.

wada tashi 000Wararku waxay sheegayaan inuu shirku furmi doono 02:00 duhurnimo ee maanta, iyadoo ay ka soo qeyb galayaan Wakiilo ka kala socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha danneeya Arrimaha Somalia.

Mas’uuliyiin ku dhowdhow Madasha Shirka ayaa sheegay in aad loogu han weyn yahay in lagu sii dhaqmo Awood-qeybsiga 4.5, lana dhiso Aqalka Senedka oo Qaab Deegaan lagu soo xulayo.

wada-tashi

Wixii ka soo baxa Shirkaasi, waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor