Shirka Wada tashiga Maamul goboleedyada dalka iyo Dowladda dhexe oo maanta ka furmaya Garowe

Shirka Wada tashiga Maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee soomaaliya ayaa galinka dambe ee maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Waxaa hoolka shirarka ee magaalada Garowe gaaraya ergada ka qeyb galeysa shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa shalay gaaray Magaalada Garowe ee Maamulka puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha puntland ayaa lagu wadaa ka hor shirka in ay soo kormeeraan qeybo kamida Magaaladda.

Sikastaba Shirka Garowe ayaa lagu waramayaa in Maamulka Galmudud gabi ahaanba ay qaadaceen  ka qeyb galka xilli wajigii hore ee shirkaasina aysan ka qeyb galin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor