Shirka wada hadalka soomaaliya iyo Somaliland oo beri ka furmaya dalka Turkiga

Wafdiga Somaliland kaga qeygalaya shirka wada hadalka soomaaliya iyo maamulka somaliland ayaa waxaa ay gaaren dalka turkiga sida uu sheegay Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka arimaha dibada maamulka somaliya.

Shirka wada hadalka ayaa waxa uu socon doonaan, maalmaha Axad iyo Sabtiga.

Mr Yoonis, ayaa sheegay in ay wax wanaagsan ay ka filayaan shirka maalinta beri ka furmaya dalka Turkiga, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in isuso dhawaasho la muujin karo.

Ergadii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.kaasoo ka koobnaan ilaa dhoor qodob, Inkastoo qodobada ugu muhiimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya aan weli laga wada hadlin .

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo.

Waxaana uu heshiiskaasi dhacay sanadkii 2014.

Dowlada soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer wada hadal ku galay wadanka dibadiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor