Shirka Qaranka Ee Dhalinyarada oo Ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa Maanta si rasmi ah u furay Shirka Qaran Ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo isla berito la soo xiri doono.

Shirka waxa Maanta ku sugnaa Masuuliyiin ah kamid ahaayen Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid,Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux,Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxman Tuuryare iyo Ku Xigeenka Ergayga QM Ee Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa balan qaaday iney taageeri doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed lana tixgelin doono Qoddobada ka soo baxa Shirka Qaran Ee Dhalinyarada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor