Shirka Madaxda Maamulada iyo Dowladda oo ka furmaya Muqdisho

Inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in Maanta ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay iga qeyb galaan Shirka uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Maanta oo ku Beegan 28 Bisha Octoper ayuu Magaalada Muqdisho ka furmayaa Shirka Madaxda dowladda iyo Madaxda Xubnaha ka ah dowladda Fedelaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Maxamed Farmaajo ayaa horay ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii uu sii kordhay khilaafka Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Dhaqaalaha, iyo khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex jira labada dhinac.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media