Shirka Madaxda IGAD oo soo xirmay iyo Madaxweynaha oo baaq u diray Hay’addaha Samafalka.

Waxaa Gelinkii dambe ee maanta Caasimadda dalka Kenya ka furmay Shirweynaha Hoggaamiyayaasha 8-da Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD, kaasi oo socday muddo 2-maalmood, iyadoo Kulanka Wasiiradda shalay oo Jimco ahayd la qabtay.

Shirkaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wafuud Caalami ah ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka Mandiuqadda iyo Istarataajiyadda lagu maarayn karo Xaalladooda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu u mahad celiyey Dowladaha qaabilay Qaxootiga, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay in loo midoobo Taabagelinta Qorshaha ay Qaxootigaasi dib ugu laaban karaan dalkooda hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu Khudbadiisa kula hadlay Hay’addaha Samafalka iyo kuwa Horumarinta ee ka hawlgala Somalia, oo ay Xaruntooda Dhexe tahay magaalladda Nairobi, wuxuuna ugu baaqay inay Xarun ka dhigtaan Gudaha Somalia, lana shaqeeyaan Wasaaraddaha Dowladda ee ku lug leh Hawlaha Gargaarka iyo Horumarinta Bulshadda.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka iyo barta Villa Somalia waxa lagu soo qoray Baaqaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka & horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.”

President Farmaajo “I call on all humanitarian and development partners to relocate to Somalia.”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid aysan Hay’adduhu mudnaan siin doonaan, maaadaama ay had iyo jeer ka cawdaan Ammaan La’aanta ka jirta qeybo ka mid ah Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media