Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa Maanta lagu wada in uu ka furmo shirka Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira kaas oo ay uga arrinsan doonaan arrimo dhowr ah.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa shalay waxa ay gaareen Magalada Baydhabo,iyada oo amniga guud ee Magalada Baydhabo aad loo adkeeyey,waxna Gudaha ama agagaarka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ciidamo la dhigay.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedgada,waxaana ay uga hadli doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka,amniga wadashaqeynta madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo qodobo kale.

Shirkaan ayaa markii lasoo gaba gabeeyo waxay madaxda ka qeyb gashay soo saari doonaan warmurtiyeed,waxaana sidoo kale shirkaan uu imaanayaa xilli qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu khilaaf ka dhaxeeyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media