Shirka madasha qaranka Soomaaliya oo ka furmaya Muqdisho

Shirka madasha qaranka ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ay shalay magaalada soo gaaren madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doonaa arinta doorashada sanadkan la filayo iney ka qabsoonto dalka.

Arinta ugu culus ee la iska arki doono waxa kamdi maqaamka ay magaalada Muqdisho ku yeelaneyso aqalada baarlamaanka oo hore dood xoogan uga timaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka soo wareejiyay go’aan ka gaarista doorashada baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu arkay ineysan go’aan deg deg ah ka qaadan karin nidaamka doorashada sida uu madaxweynaha sheegay.

Beesha caalamka oo ay ku jiran QM,Midowga Afrika,Midowga Yurub,Mareykanka,Ingiriiska iyo dalal kale ayaa soo dhaweeyay talaabada madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor