Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka oo lagu wado in laga soo saaro War-murtiyeedka Nidaamka Doorashooyinka.

Madaxda xubnaha ka ah Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inay maanta soo gebagebeeyaan Kulankii Khaaska ee ay maalmihii la soo dhaafay ku lahaayeen Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee magaalladdan Muqdiosho.

Ilo-wareedyo ku dhowdhow shirkaasi ayaa Radio Dalsan u sheegay inay Madaxdu isla meel dhigeen inta badan qoddobadda ay ka wada xaajoodeen, lana filayo inay qalinka ku duugaan War-murtiyeedka ay ku mideysan yihiin oo  la filayo in gelinka dambe ee maanta lagu dhawaaqo.

Dib-u-eegista Dastuurka ayaa ka mid ah qoddobadda ugu adag ee ay Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ku bixiyeen muddo dheer, iyadoo qaar ka mid ah Madaxdaasi ka biyo-diidsan yihiin in Barlamaanka haatan jira saamayn ku yeesho inay dib u lafa-guraan, kana doodaan guud ahaan qoddobadda ku xusan War-murtiyeedka ka soo baxa Shirkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadaly Furitaanka Kalfadhigii 8-aad ee Barlamaanka Federalka Somalia, ayaa sheegay in War-murtiyeedka ka soo baxa Madasha Wada-tashiga in loo soo gudbin doono Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, si ay wax ugu daraan ama uga dhimaan Qoddobadda ku xusan War Murtiyeedka.

Si kastaba ha ahaatee, 7-da Hoggaamiye ee xubnaha ka ah Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa aha Hoggaamiyayaal kala Hadaf ah, kala Himilo ah, oo badankooda hami kaga jiro inay noqdaan Musharixiin u taagan Doorashadda Madaxtinimadda ee dhici doonta bilowga bisha September ee sannadkan.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor