Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka oo galabta ka furmaya Baydhabo

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la soo sheegayaa in ciidamo badan loo daad gureeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Shirkan ayaa lagu waday in la qabto 20kii bishan balse dib ayaa loo dhigay kadib markii cabasho ay ka timid maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa ah shirkii ugu dambeeyay ee looga hadlayo sida dalka looga qaban karo doorashada sanadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor