Shirka Madasha qaranka oo maanta la soo gabagabeyn doono kadib marka laga hadlo maqaamka Banaadir

Shirka madasha qaranka Soomaaliya oo maanta galay maalintii labaad ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirka waxa maanta diirada lagu saari doonaa maqaamka gobolka Banaadir ee aqalada Baarlamaanka.

Dood weyn ayaa weli ka taagan maqaamka gobolka Banaadir oo markii hore meesha laga saaray,balse imminka waxa muuqata in wada hadal laga sameyn doono maqaamka Muqdisho.

Shirka ayaa laga filayaa in qoddobo laga soo saaro waxaana aad loo adkeeyay ammaanka caasimada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor