Shirka Madasha Heerka Sare ee Somalia oo ka furmay Istanbul

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa saakayto si rasmi ahaan uga furay magaalladda Istanbul Shirka Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Somalia iyo Beesha Caalamka, kaasi oo socon doona muddo 2 maalmood.

Shirkaasi waxaa shir-guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Jan Eliasson

Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum) waxaa martigeelisay Dowladda Turkiga, waxaana ka qeyb galayo in ka badan 200 oo Ergo oo ka kala socota 51-Waddan.

Ka-qeybgalayaasha waxay qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor