Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ka furmi doona Jowhar.

Maalinta Talaadada ee soo socota ayaa la fiayaa inuu magaalladda Jowhar ka furmo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Siyaasiyiin, Cuqaal iyo Ururadda Bulshadda.

Shirkaasi ayaa la filayaa in looga arrinsado Aayaha Labadaasi Gobal iyo sidii loo yegleeli lahaa Maamul Mideysan oo ay ku qanacsan yihiin Beelaha ku wada nool Goballadaasi.

Xaalladda Ammaanka ee magaalladda Jowhar aad baa loo adkeeyey, iyadoo ay Ergooyin badan ku sii qulqulayaan, kuwaasi oo ay ku jiraan Musharixiin rajo ka qabta Xilalka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ee Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasab Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, isla markaana uu Talooyin iyo Baraarujin u jeediyo Ergooyinka, si ay ugu guuleystaan Dhismaha Maamulka Labadaasi Gobal.

jawhar3

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor