Shirka Maamul-u-samaynta Goballada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo boorka laga jafayo.

Magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar waxaa ku sii qulqulayo Ergooyin ka socda Beelaha deggan Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo horey saluugid iyo qaadacaad ka muujiyey Nidaamka Maamulka ee Shirkaasi.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan ayaa sheegay in laga shaafiyey waxyaabihii ay gocanayeen, isla markaana ay haatan  diyaar u yihiin in mar kale Boorka laga jafo Habsami-u-socodka Shirka ay gogoshiisu taallo Jowhar.

G/xigeenka Gobalka Hiiraan ee Arrimaha Bulshadda, Sheekh Xuseen Xasan oo horkacayo Wafdiga Reer Hiiraan ayaa sheegay in la soo xaliyey waxyaabihii mugdiga ku jiray, lana sii ambaqaadi doono Shirarka Maamulka loogu dhisayo Labada Gobal.

Xogaha Hoose ayaa waxay sheegayaan inay inta badan Ergooyinka Beelaha ku qanacsanayn qaabkii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka horey ugu qeybiyeen Ergooyinka  Beelaha uga qeyb galayo Shirkaasi.

Shirka Jowhar oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh horey u furay ayaa hakad galay muddo 50-maalmood, kadib, markii la isku khilaafay Doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka ee maamulka Shirkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor