Shirka Maamul Loogu Dhisayo Gobolada Banadir,Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe oo Ka Furmi Doona Jowhar

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Shirka Maamulka Loogu sameynayo Goboladda Banadir,Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe lagu qaban doono Jowhar.

Shirkan ayaa hore loo hadal haayahay in lagu qaban doono midkood Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne balse imminka waxa la shaaciyay in Jowhar Lagu qaban doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu taageerta Goboladda Dalka Dhisidda Maamul Goboleedyo Dadka ay u baahan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor