Shir looga hadlayo Maalgashiga Soomaaliya oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Kenya

Kulan ay soo qaban qaabiyeen safaarada Mareykanka ee dalka Kenya, koox ka tirsan Baanka Aduunka, shirkada Shuraako, oo looga hadlayo Maalgashiga Soomaaliya, oo furmay  8 bishaan March, ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah lasoo gaba gabeeyo.

Inta uu socday shirka ,ayaa waxaa la isweedaarsaday, sida ugu macquulsan ee loo maalgashan karo dalka, ay horay u aafeeyeen dagalada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Diaspora, Soomaali ah oo dibadaha ka kala tagay, kuwaas oo la sheegay in la damacsanyahay in dalkooda ay malgashtaan, si ganacsiga soomaaliya uu u noqdo mid ka duwan kuwii hore.

Soomaalida lagu casuumay shirka ayaa waxaa ay sheegeen in fursado waaweyn in ay heystaan ganacsatada Soomaalida, iyagoona xusay in ay macaquul tahay in maalgalin ay helaan shirkadaha yar-yar ee ka ganacsada soomaaliya.

Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay dal kasoo laabtay in uu guul dareysto.

Aqoonsiyada uu ka helayo, wadamada caalamka, ayaa waxaa uu u sahlayaa in ganacsatada Soomaalida ay fursado u helaan in lagu dhiiragaliyo in dalkooda uu san jirin wax u dhaama.

Dowlada Mareekanka dhoor todobaad ka hor waxaa ay dalka soomaaliya usoo magacawday safiir, walow ay sheegtay in dalka Kenya, uu noqon doono xafiiskiisa inta dalka soomaaliya ay xaladiisa ka hagaageyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor