Shirka ka socda Magaalada Kismaayo oo Maanta Warmurtiyeed laga soo saarayo

Maalintii Saddexaad ayuu magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ka socdaa shirka Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira kaas oo Maanta la filayo in la soo gaba gabeeyo.

Shirka ayaa maalmihii uu socday waxaa dood xasaasi ah ay dhexmartay Madaxda Hoggaamiyaasha dalka, waxaana la sheegay in Saacadihii u dambeeyay ay ku biireen masuuliyiin ka socotay Beesha Caalamka.

Gaba gabada shirka ee Maanta ayaa hoggaamiyaasha waxa ay soo saari doonaan Warmurtiyeed ay uga hadli doonaan waxyaabihii ay isla garteen ee ka soo baxay kulankoodii.

Xogaha ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in ay jiraan qodobo ay isku fahmi waayeen Madaxda iyo kuwo ay heshiis ka gaareen, balse waxaa laga yaabaa in ay sameestaan Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda dowlad goboleedyada.

Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Madaxda dowladda qaarkood ayaa shirkaan ka qaba shaki farabadan maadaama ay jirto xiisad Siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya balse waxaa la wada sugayaa natiijada ka soo baxda shirkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media