Shirka Gudoonka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda oo Ka furmaya M/Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu wadaa in uu Maanta ka furmo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Gudoonka baarlamaanada dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Soomaaliya.

Dhammaan gudoonada Baarlamaanada dowlad goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Baydhabo,kuwaas oo intooda badan maalintii shalay aheyd gaaray Magaalada Baydhabo.

Shirkaan ayaa intiisa badan waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadashaqeyn dhexmarta Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shir gudoomin doona shirkaas,waxaana uu sheegay in shirkaas uu yahay mid Muhiim  ah isla markaana uu kordhin doona xiriirka dowlada iyo Maamul Goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa Maanta aad loo adkeeyay waxaana Ciidamo la dhigay agagaarka howlka la filayo in uu Maanta Shirka ka furmo.

Sikastaba marka laga soo tago shirka maanta furmaya ayaa dhawaan Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu qoray warqad uu ku dalbanayay in shirkaas la joojiyo balse waxay u muuqataa in aan laga jawaabin codsigiisii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media