Shirka Golayaasha Sharci dejinta oo Maanta Warmurtiyeed laga soo saarayo

Shalay gelinkii dambe ayaa Magalaada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxa lagu soo gaba gabeeyay shirkii gudoonada Golaha Sahcabka iyo kuwa dowlad Goboleedyada kaas oo mudo Saddex Cisho ah halkaasi ka socday.

Shirkas ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhexmara Gudoonka Golaha Shacabka iyo kuwa dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo nidaamka federaalisimka.

Shalay shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay heshiisayadii afgaradka ahaa ee dhinacyada shiraya ay horay ugu wada gaareen shirarkii ka kala dhacay Magaalooyinka Kampala iyo Muqdisho kaas oo dib u-egis lagu sameynayay iyo baahiyaha ay qabaan Maamul goboleedyada iyo sidii loo taageeri lahaa.

Maanta oo Jimcaha ah ayaa la filayaa in Warmurtiyeed laga soo saaro shirkaas kaas oo ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxdii shirka ka qeyb gashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media