Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Abaaraha iyo Danjirayaal la ansixiyey

Muqdisho, March 17, 2016….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka.

Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu, iyadoo shacabka Soomaliyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Guddi u howlgala sidii gacan loo siin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen, iyadoo guddigaas ay hoggaamin doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha isla markaana ay xubno ka yihiin Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Qorshaynta, Xannaanada Xoolaha, Biyaha, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasiiru-dawlaha Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, Waxaa Golaha Wasiiradu ka hadleen dhaq-dhaqaaqa Ciidan iyo howlgallada Al-shabaab ka wadaan dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la cambaareeyey falalkaas Argagixiso.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey Lix Safiir (6) oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya u soo gudbisay, kuwaas oo kala ah.

1. C/raxmaan Ducaale Bayle
2. Cali Shariif Axmed
3. Abuukar Cabdi Cismaan
4. C/raxmaan Sheekh Ciise
5. Fakaru-diin Maxamed
6. Maxamed Xasan Cabdi

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda (PFM) iyo Siyaasadda dawladda ee nidaamka shaqaalaha u xoogsi taga dalalka dibedda.

GW1 GW2 GW3

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor