Shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo looga hadlay qodobo kala duwan

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulankan Warbixino looga dhegesytay Wasaarado ku hadlaya magaca guddi hoosaadyada ee golaha, sida guddiyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulsahda.

Ugu horeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ka warbixisay qaabkii ay dalka looga saaray Diplomaasiyiintii dowladda Iiraan, isaga oo xaqiijiayay inay dalka uga dhoofeen mudadii loo qabtay, sidoo kale waxa ay xaqiijisay Wasaaraddu inay si nabad ah dalka dib ugu soo laabteen Safiirkii iyo Diplomaasiyiintii kale ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Iiraan.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ayaa xusay in wixii hanti iyo agab kale ee ay laheyd safaarada Iiraan iyo hay’addihii kale ee hoos imaanayay sida Bisha-cas iyo Al Khumeyni ee ka howlgalayay gudaha dalka ay bed qabaan, dowladana ay gacanta ku heyso, waxaana ay tilmaantay Wasaaradu in dowladda Iiraan ay ka sugayaan inay soo magacaabaan dowlad saddexaad oo wakiil uga ah inay illaaliso danaha dalka Iiraan ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaarada Amniga gudaha taasoo ku aadaneyd habkii uu u qabsoomay shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxa uuna xusay in shirku u furmay si habsami leh, ayna ka soo qeybgaleen dhamaamba ergooyinkii labada gobol.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay xeerka diiwaangelinta shidaalka (Petroleum Registry) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, waxaana sharcgani uu diiwaangelin doonaa heshiisyadii shidaal ee ay dowladda Soomaaliyeed horay ula gashay shirkaddaha shidaalka baara.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa laga dhegeystay warbixin ku aadan u diyaar garowga maalinta far Soomaaliga oo ku beegan Jannaayo 21-keeda, waxayna xustay inay sameynayaan barnaamijyo lagu weyneynayo maalintaas.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Haweenka xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixiyay u diyaar garowga munaasabado gaar ah oo barbar socon doona shirka Heerka sare ee Wadatashiga (HLPF), oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 23-24 Febraayo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor