Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee Kismaayo oo la shaaciyey inuu dib u dhacay.

Ilo ku dhow Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee lagu waday inuu berrito ka furmo magaalladda Kismaayo uu dib ugu dhacay sababo aan si rasmi ah loo shaacinin.

Shirkaasi ayaa la iclaamiyey inuu furmi doono bishan Janaayo 12-da, iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan inta badan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, inkastoo uu Madaxweynaha Maamulka K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan qaadici doono, ka caraysan yahay Dhismaha Maamulka Bakool Sare ee laga dhex dhisay Deegaannadda hoos taga Maamulka K/galbeed.

Kulan lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbalnd ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid dhigay gogosha lagu dhexdhexaadinayo Labada Mas’uul.

kualan111Kulankaasi dhexdhexaadinta ayaa abuuri kara inay Labada Hoggaamiye ka heshiiyaan Khilaafkooda, lana ambaqaada Qabsoomida Shirka Wada-tashiga ee ka dhici doona Kismaayo.

Sidoo kale, Maamul-gobaleedyadda qorsheysnaa in la dhiso kuma jirin Maamulka looga dhawaaqay Degmadda Ceel-berde, waxayna arrintaasi Xiisad ka dhex abuuri kartaa Shirka Wada Tashiga Qaranka ee ka furmi doona Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare, Axmed Maxamed Mashruuc  ayaa qorsheynaya inuu ka qeybgalo Shirka Kismaayo, taasi oo khatar gelin karta Geeddi-socodka Shirkaasi, maadaama Maamulkaasi uusan Aqoonsi ka haysanin Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka.

Waa hubaal inay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ku kala qeybsami karaan arrintaasi, inkastoo la sheegayo inay  socdaan Wada-tashiyo hoose oo lagu doonayo inaan Maamulka Bakool Sare lagu casuumin Shirka Kismaayo.

Golaha Wada Tashiga 1Xafiiska QM ee Arrimaha Somalia waxay horey u sheegeen inaysan aqoonsanayn Maamulka Bakool Sare, halka ay Urur-gobaleedka IGAD weli shaacinin Aragtidooda ku aadan Maamulkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Shirka Kismaayo u idman yihiin inay ka soo qeyb galaan Madaxda Dowladda Qaranka iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo horey uga qeyb galay Shirarkii dhacay sannadkii hore.

Sidoo kale, Ajendayaasha laga wada hadlayo ayaa ah Falaanqeyn lagu samaynayo Qoddobaddii laga soo saaray Shirkii ugu dambeeyey ee bishii Decemebr 16-dii lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray 7 Qoddob, oo loo bahaan yahay in mid la qaato.

Haddaynu is-xsuusuino Qoddobadaasi waxay kala ahaayeen:-

  1. Inaan wax muddo kordhin ah loo samayn karin Hay’adaha Dowladda Federalka, marka uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee Hay’adaha Dowladda
  2. In la dhiso laba Aqal ee Sharci-dejinta ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ioo qeyb ka noqonaya Doorashada ka dhici doonto sannadka 2016
  3. In habka Awood-qeysbiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5
  4. In Aqalka Sare lagu soo doorto hab Deegaan iyo in Aqalka Hoose lagu soo dhiso Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5
  5. Inay Doorashada xubnaha Labada Gole ka dhacaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalka.
  6. In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo Labada Gole ee la dhisi doono, lana dhowro xuquuqda dhalinyaradda iyo Beelaha laga tirada badan yahay
  7. In bisha Janaayo 10-daee sannadkan lagu qabto shir Wada-tashi 
    magaalada Kismaayo, oo looga hadlayo Faahfaahinta nidaamka Fulinta ee Doorashadda 2016-ka.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee ku madalsan Kismaayo, waxaa la gudboon in ay dib-u-eegis ku sameeyaan, lana tiuxgeliyo Xaalladda Guud iyo Danaha Qaranka.

Dhaqan-yaqaanadda ayaa rumeysan inay muhiim tahay in lagu sii dhaqmo Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 ee lagu soo caana-maalay 9-kii sanno ee ugu dambeysay, isla markaana la hakiyey in wax lagu qeybsado ama lagu soo doorto Nidaamka  Deegaanka.

Dhaqanyahannada oo iyagu ah Marjaca Bulshadda, isla markaana kaalin ku lahaa Dhismaha Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka ayaa sheegay inaysan dadka Soomaalida haatan u bisleyn in Nidaam Deegaan wax lagu qeybsado, maadaama ay jiraan Daruufo muuqda, isla markaana  qaar ka mid ah Degmooyinka laga qabanin Doorasho.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Kismaayo ayaa la arki doonaan Qoddobadda ka soo baxa iyo sida ay Hoggaamiyayaasha u wada gaaraan Isfaham Mideysan oo lagu xoojinayo Nidaamka Federalisimka iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor