Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Heerkii ugu dambeeyay Maraya

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa weli ka socda Shirka Golaha Amniga Qaranka kaas oo qaatay waqtigii ugu dheeraa,waxana la sheegayaa in haatan uu la wareegay ra’iisul Shir Gudoonka Wasaaraha  Soomaaliya Xasan Cali kheyre..

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirkaas ka qeybgalaya,waxana socota dood xasaasi ah oo u dhaxeysa labada dhinac,taas oo keentay in uu waqtiga sii dheeraado.

Shirkan oo arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qorsheysnaa inuu socdo labo maalmood, hase ahaatee uu maalmo dheeraad ah sii qaatay, kaddib markii qodobada qaar ee laga doodayo la isku mari waayay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in haatan inta badan madaxda shirka ay isla garteen qodobadii la isku hayay,waxana socota diyaarinta War-Murtiyeedkii shirkaas laga soo saari lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media