Shirka dhameystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna oo Dhuusamareeb ka furmay

Maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka furmay shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay horay ugu wada saxiixdeen Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa Goobjoog ka ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Sidoo kale shirkaas ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wakiilo ka kala socda Beesha Caalamka sida Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika iyo IGAD iyo Xubno kale balse aan galangal weyn ku laheyn shirkaas.

Shiraan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskaas kaas oo dhigaya in Maamulka Galmudug uu u soo guuro dhuusamareeb kuna Shaqeeyo in la’iskudaro Baarlamaanada labada dhinac iyo ciidamada intaba kaas oo la filayo in markii uu shirkaas uu soo gaba gaboobo ay dhaqangeli doonaan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareen ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana laga dareemayaa furitaanka shirkaas,iyo sidii wax mira dhal ah ay uga soo bixi lahaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media