Shirka Caalamiga ee Iskaashiga amniga oo ka furmey dalka Urdun

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo ku saabsan amniga oo maanta ka furmey magaalada Aqaba ee dalka Urdun.

Waxaa shirkan lagu gorfeynaya qaababka ugu habboon ee degdegga ah, ee dalalkan isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka.

Shirkan ay martigelineyso Boqortooyada Urdun, ayaa maxaa madaxda ka qeybgaleysa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Djibouti, Kenya, Tanzania iyo wufuud kale.

-DHAMMAAD-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor